June 24, 2015

Baargaal Secondary school oo caaway ka Adkaaday dusiga sare ee mubark dhahar barnaamajka tartan iyo tacliin

Baargaal Secondary school ee Degmada Baargaal EE Gobolka Gardafuu oo caaway wacdaro ka dhigay tartanka waxbarashada dugsiyada sare ee Gobolada Puntland ee laga daadihiyo Radio Daljir ee Tartan iyo tacliin ayagoo kaga adkaaday iskoolka  mubaarak secondry ee dhahar ee Gobolka hayland.

labada Dugsi ayaa muujiyay dadaal dheer iyo xamaasad ayadoo uu tartankaasi ku soo dhamaaday Baargaal Socondary School oo helay 8 darajo ,iyo dugsiga sare ee Mubaarak Dhahar oo keenay 7 darajo oo kaliya sidaasina guusha u raacday dugsiga Sare ee Baargaal oo hada loo bixiyay ( Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen)

Hambalyo dhamaan Ardayda Dugsiga Sare ee Baargaal iyo Bulshada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu oo caaway xiisaynaysay waa ifafaalo fiican iyo Guul isoo hoyatay waxbarashada Baargaal , gaar ahaan gudiga waxbarashada oo kusoo mintiday sidii iskuulkaasi u gaari lahaa heerkaas waxbarsho


Hambalyo.... Hambalyo....Hambalyo


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner