Posts

DEG DEG: Baarlamaanka Soomaaliya oo kalsoonidii kala noqday dhismaha Baarlamaanka Jubbaland

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay mooshinkii laga keenay Dhismaha Baarlamaanka Jubbaland oo maalmihii u dambeeyay kooram la'aan u baaqanayay.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo markii hore buuq ku furmay, maadaama Xildhibaanada qaar ay diidanayeen cod u qaadista mooshinka ayaa markii dambe si toos ah codka loogu qaaday.

Xildhibaanada fadhiga soo xaadiray ayaa waxa ay gaarayeen 142 Xildhibaan, waxaana 132 Xildhibaan ay u codeeyeen in mooshinka uu sax yahay oo dib loogu noqdo dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, halka 4 ay ka aamuseen 6 ay diiday mooshinka.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ku dhawaaqay natiijada.Xildhibaanada mooshinka ka keenay Baarlamaanka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay in mooshinkooda uu meel maro.

Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu hanjabay inay xiriirka u jarayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hadii mooshinkaasi la ansixiyo.

Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain