Posts

Deg deg : Nin dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay Magaaladda Boosaaso

waxaa caawa magaaladda Bosaaso lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaartooyda kubada cagta Gobolka Bari gaar ahaan magaaladda Boosaaso oo lagu magcaabo maxamuud caato.

Dilka marxuumka ayaa dhacay ka dib markii uu rasaas ku furay mid kamid ah askarta ilaalada u ah Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, isaga oo wakhtigaas marayey wadada hor marta Guriga Gudoomiyaha oo ku yaal Xaafada Laanta-Hawada ee bosaso.

Warar faahfaahsan lagama hayo sida uu dilka u dhacay, walina arintaas kama aysan hadlin laamaha amaanka.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain