Dhageyso :Gudoomiyaha gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed(iidi) Waa nasiib darro in Xasan Sheekh iyo Jawaari ka leexdaan dastuurka dalka.

Iyadoo Gobolada iyo degmooyinka Puntland ay ka soconayaan banaanbaxyo balaaran oo looga soo hor jeedo shirka ka socda Magaalada Cadaado iyo sida ay dowlada federalku u maamushay ayaa dibadbax looga soo horjeedo shirkaasi iyo madaxda sare ee dowlada waxaa uu ka dhacay degmooyinka iyo magaalooyinka Gobolka Garadafuu.

Bulshada qaybeheeda kala duwan oo uu hogaaminayo Maamulka Gobolka ayaa isugu soo baxay degmooyinka iyagoo muujinaya sida ay uga xunyihiin shirka ka soconaya magaalada cadaado oo xuduudiisa lagu sheeggay gobalka nugaal iyo sida dowlada federalka u maamushay shirkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Garadafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed(Iidi) oo la hadlay Radio SAHAN ayaa sheegay in dadku aad uga xunyihiin sida shirkaasi ay dowladu u maamushay iyo sheegashada dhulka Puntland waxaana uu intaa ku daray in dadku ay dareenkooda ku muujinayeen arinkaasi.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale waxaa uu ka waramay xaalada Gobalka gardafuu oo hodan ku ah khayraad ka gaar ahaan wax soo saarka xijiga,timirta iyo kaluunka waxaana uu sheegay in ay saamayn balaaran ku yeesheen dagaalada ka soconaya dalka Yemen oo gobalku uu xiriir ganacsi kala dhexeeyo.

Gudoomiyaha oo ka hadlayey arimaha bulshada waxaa uu sheegay in gobalka uu baahanyahay waxqabadyo balaaran islamarkaana uusan ka helin dowlada Puntland gacantii uu uga baahnaa hase ahaatee waxaa uu sheegay in gobolka uu ka socdo dib u dhis maadaama Gobalkaasi uu yahay gobalkii ugu danbeeyey ee ku soo biira Puntland.

Gobolada Puntland ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxayo balaaran oo looga soo horjeedo shirka soconaya Magaalada Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug iyo ay dowladda Federaalku u maamushay shirkaasi.

\ka dhegeyso waraysiga gudoomiyaha Gobolka Gardafuu 

Developed by Jago Desain