Faah-Faahin: ilmo yar oo dhurwaa ku cunay duleedka Laascaanood

Faah-Faahin: ilmo yar oo dhurwaa ku cunay duleedka Laascaanood
Warar laga helayo duleedka magalaada Laascaanood ayaa sheegaya in bahal ku qaaday ilma yar oo gabar ah, waxaan ay noqoneysaa markii labaad oo mudo kooban gudahood ah oo ay dhacdo noocan oo kale ah ka dhacdo duleedka Laascaanood. 

Halka ay dhacdadaan ka dhacday ayaa ah Miyi waxaana y masaafo dhan 30 KM u jirtaa Laascaanood. 

Hal qoys ayuu laba mar oo is xiga dhurwaa ilma kaga cunay deeganka sida ay dadka sheegayaan. “Walaaloow waa ilmihii labaad oo nalaga cuno, meesha ay ka dhacdayna waa Ari Cadeeye, dooxada Abeesaleey” sidaa waxaa warbaahinta u sheegtay Seynab Maxamed Cabdi oo qoyska dhibaatada soo gaartay kasoo jeeda. 

Dhulkaaan waxaa ku badan xayawaanada duurjoogta ah ee dadka cuna sida, Libaaxa Dhurwaaga iyo Shabeelka waxaana ay ugaarsadaan carruurta yaryar marka ardaaga looga tago iyo marka ariga la raacsho. 

Hooyadii ilmaha dhashay ayaa la sheegey in ay aad ola muraara dilaacdey dhacdada naxdinta leh, iyada oo horey qoyskaasi qoys qaraabo la ah uu sidan oo kale wiil yar isla bahalkani oga dafay. 

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari 
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain