Faallo: Madaxwayne Gaas ma qancin doonaa Bulsha gobolka Gardafuu

Madaxwaynaha dawladda Puntland c/wali maxamed cali Gaas ayaa tan iyo bilowgii bishan kulamo isdabajoog ah la lahaa waxgaradka iyo ergooyinka beelaha puntland oo looga hadlaayay isku shaandheynta lafilayo dhawaan in ay ka soo baxdo Aqalka Madaxtooyada ee dawladda Puntland.

Madaxwayne C/wali Gaas markii la doortay wuxuu safar dheer ku tagay dhamaan Gobolada puntland si uu ugu kuur galo xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaan walba oo kamid ah puntland wuxuuna madaxwaynuhu la fariistay oo la shiray indheergaradka, odayaaysha, ganacsatada deegaan walba , asagoo madaxwaynuhu ballan adag ka qaaday odayaashii iyo waxgardkii uu la shiray una sheegay in khalad dhacay, khaladkii dhacayna la sixi doono oo gobolada wax tabanaya sida gobolka Gardafuu oo kale xaqiisii la siin doono .

Balanqaadka madxwaynaha Yaa looga fadhiyay in ay u dhabo galaan ballanqaadkaas madaxwaynuhu gobolka u sameeyay miiskana saaraan baahiyaha gobolka iyo saamiga uu dawlada ku yeelanayo?

Ma odayaasha gobolkaa?
Mise waa xildhibaanada xubnaha uga ah gobolka Gardafuu golaha barlamaanka puntland ee mushaharka ku qaata hawshaas

Bulshada gobolka gardafuu yididiiladi ay u qabeen in madaxwayne Gaas ballankaasi oofiyo waa yaraatay dadka qaarkiisna waa ka dhamaatay.

Gobolka Gardafuu ayaa ka mid ah gobollada ugu hodansan Puntland marka dhan kasta la eego. Ha noqoto duunyada xoolaha, ama khayraadka dabiiciga ahba wuxuuna kamid yahay gobollada ugu dakhliga badan ee maamulka Puntland u soo xereeya cashuuraha ugu badan ee hawlaha dawlada puntland lagu maamulo , intaasi waxaa u dheer Gobolka Gardafuu asagoo ku yaal irrid ganacsi oo laf dhabar u ah ganacsiga u kala gudba Puntland iyo Dawlada yemen iyo dawladaha kale ee gacanka carbeed.

Marka madaxwayne gaas ma samayn doonaa isbadal ay ku qancaan bulshada gobolka Gardafuu si ay ugu kalsoonaadan una soo dhaweyan inuu si fiican ugu baaho maamulka puntland ugana shaqeeyo gobolkooda?

Xildhibaanada gobolka u matala golaha shacabka ma ku adkayn doonaan madaxwaynaha ballantiisa oo doorkoodii si wacan ma u gudan doonaan ?

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain