Garoowe: xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta Wasaarada haweenka iyo hormarinta Arimaha Qoyska Puntland [Sawiro]

Garoowe: xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta Wasaarada haweenka iyo hormarinta Arimaha Qoyska Puntland [Sawiro]
Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen Kusimaha Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aamina Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Cusub ee Dhawaan loo soo magacaabay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Mudane C/risaaq Nuux Maxamed Ciise (Hantiile) ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaarada haweenka ee magaalada Garowe.

Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan madaxda wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska oo ay horkacaysay Wasiir Arisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada yaa waxaa ugu

horeyn ka hadashay Kusimaha Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aamina Maxamuud Nuur ayadoo xustay inay
soo dhoweynayso magacaabida Agaasimahha cusub iyadoo intaas raacisay in si aad ah uu ula shaqeyn doonto, wixii ay awoodana ay ku caawin doono si uu howshiisa si wanaagsan ugu guto.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Mudane C/risaaq Nuux Maxamed Ciise (Hantiile) oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey dhamaan shaqalaaha wasaarada haweenka, wuxuuna ka codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.


waxaa xigay Agaasimaha Cusub wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland murwo Arisa C/qaadir Xaaji Muumin oo soo xirtay munaasabada ayaa u mahad celisay Kusimaha Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka 
iyo Arimaha Qoyska Puntland Aamina Maxamuud Nuur ayadoo fartay shaqalaha inay la shaqeyan agaasimaha cusub.


Si kastaba ha ahaatee munaasabadii xil wareejinta ahayd ee maanta ka dhacday xarunta wasaarada Haweenka Puntland ee Garoowe ayaa kusoo gaba gabowdey jewi wanaagsan sida ka muuqda sawirada xaflada.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:Baargaal@gmail.com . baargaalmedia@gmail.com




Developed by Jago Desain