Golaha Qaranka Hadramout oo heshiis la galay ganacsatada Soomaalida ee shidaalka dhoofisa si loo nidaamiyo qiimaha shidaalka

Golaha Qaranka Hadramout oo heshiis la galay ganacsatada Soomaalida ee shidaalka dhoofisa si loo nidaamiyo qiimaha shidaalka
Waxaa la qabtay subaxdiiTalaadada 2/6 /2015 kulan uu shirgudoomiyay Prof. Rabi Al Awbathani Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Golaha hay'adaha Hadramout iyo xubno ka mid ah guddiyada, waxaana ka qayb galay Sheekh jaamac siciid iyo Sheikh Xasan Yuusuf bashiir  iyo wakiillo kale oo ka socday ganacsatada Soomaalida ee doonyaha yaryar ku soo rara shidaalka kulankaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo nidaamin lahaa iibinta shidaalka iyo sidii loogu qaybin lahaa si amaan ah 

kulanka ayaa waxa sidoo kale ka qayb galay Mr.Salem Badaaod Guddoomiyaha  maamulka mashruuca afaraad ee kaluunka waxaana Dhammaadkii kulankaas dhexmaray labada dhinac la isku raacay qodobada soo socda:

1. qiimaha shidaalka jumlada waxaa jaan goynaaya milkiilayaasha kaalmaha iyo xarumaha adeegyada ayadoo lagu jaangooyay  toddoba iyo lixdan kun oo riyaal fuustada naaftada ah iyo laba iyo toddobaatan kun oo riyaal  fuustada batroolka ah .

2. qiimahan ayaa loo mudeeyay toban iyo shan  maalmood laga bilaabo  02/06/2015 

3. Ganacsatada Soomaalida ma qaadayaan Cashuurta Dekeda waxaana cashuurta qaadaya iibsadaha 

4. ganacsatada Soomaalidu waxa oo kaliya ay ka iiban karaan shidaalka jumladlayaasha oglaanshaha ka haysta golaha Qaranka iyo sidoo kale xarumaha iyo goobaha adeegga ee ogolaanshaha ka haysta golaha.

 5. Golaha Qaranku waa in ay u fududeeyaan ganacsatada soomaalida gudaha dekedda hawlaha dajinta iyo iibinta gudaha dekeda .

6. goobaha iibinta jumlada waxay ku koobanyihiin dekeda  Mukalla , mashruuca afaraad , iyo sidoo kale magaalooyinka  Shixir iyo quseecir 

7. looma ogola ganacsatada Soomaalida ah inay ka dejiyaan ama ku iibioyaan shidaalka goobaha aan  ku qoranayn qaybta VII haduu dhaco xadgudub ku saabsan arinkaas uu ganacsaduhu mas'uul ka noqonayo  wax kasta oo ganaax ama tallaabo uu ka qaado Goluhu.



 


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain