Golaha Qaranka xadramout oo ku guulaystay ​​caddaynta lahaanshaha markab siday 14,000 oo tan oo naafta ah

Afhayeenka rasmiga ah ee Golaha qaranka Hadramout ahna Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha, Mr. rabi Ali Al Awbathani ayaa sheegay kadib dadaal dheer ay u galeen hogaanka Golaha Qaranka xadramout iyo Shirkadda Shidaalka Yemen ay ku guulaysteen inay cadayaan in shixnada shidaalka ee saaran markabka Folk Elegent ay leedahay Shirkada Naaftada yaman gaar ahaan laanta xadramout lana dajin doono kadib markii la dhamaystiro dajinta shixnadaha ah phenols ee uu siday markabka Sekem oo ku soo xirtay dekedda Mukalla subaxnimadii Talaadada.

Waxa uu sheegay Mr. Al Awbathani oo akhrinayay war saxaafadeed ka soo baxay Golaha in tani ay tahay guul u soo hoyatay reer xadramout inkastoo shaki iyo jahwareer markii hore la gashay Lahaanshaha shixnadda ayadoo laysku dayay in lagu soo gasho qoiimo sare oo dhib ku ahaan lahayd mujtamaca ku dhaqan xadramout .


waxaa uu sheegay Afhayeenka rasmiga ah in natiijadan ay timid ka gadaal tawfiiq alle iyo dadaalka ay sameeyeen Golaha qaranka Hadramout taas oo ay ugu adeegayaan mujtamaca , ayadoo markabka la qabtay maalintii jimcada ahayd asagoo isku dayayay in badelo jihadiisa shixnada shidaalka ahna ka dajiyo dekedda xudeidah , si looga xarimo reer hadramout shidaalka ay xaqa u lahaayeen oo ayaga loo soo raray 

halkan ka akhriso warqada kasoo baxday golaha 


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain