Haweenay Sawirtay Libaax, Daqiiqado Yar Kahor Intii Anuu Cunin (Sawiro)

Haweenay Sawirtay Libaax, Daqiiqado Yar Kahor Intii Anuu Cunin (Sawiro)
Mid ka mid ah Libaaxyo ku dhaqan beerta xayawaanka Safari ee dalka Koonfur Afrika ayaa dilay haweenay dalxiis ahayd, daqiiqado yar uun ka dib markii ay sawiro ka qaaday libaaxyadaasi.

Haweenayda oo ay weheliyeen dalxiiseyaal kale ayaa ku dhex jirtay gaadhi xeradaasi galay, waxaana ay sawiro ka qaaday libaaxyadaasi oo ku sugan xarunta safari ee lagu xanaaneeyo.

hase ahaatee daqiiqado kadib markii ay sawiradaasi ka qaaday dhawr libaaxyo ah, ayaa uu mid ka mid ah libaaxyadaasi si cajiib ah u furay daaqadda gaadhiga oo aan qufulnayn, kadibna waxaa u suuro gashay inuu weeraro dadkii ku jiray gaadhiga, haweenayda ayaa ugu dambayn u dhimatay waxyeelo ba’an oo libaaxu gaadhsiiyay, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha xeradu.

Masuuliyiinta xeradaasi ayaa sheegay in ay haweenaydaasi baal martay digniino iyo awaamiir xeerada lagu maamulo, isla markaana ay furnayd daaqadda gaadhigeedu, taasi oo u sahashay mid ka mid ah libaaxyadu inuu si fudud u furo isla markaana uu dilo haweenaydaasi oo u dhalatay wadanka Maraykanka.

dalxiise kale oo u dhashay wadanka Australia, gaadhiga la saarnaa haweenaydaasi ayaa dhaawacyo xun ay soo gaadheen kadib markii uu libaaxu bawdada qabtay isagoo isku dayay inuu ka rido haweenayda uu libaaxu dilay.

Boqolaal qof oo dalxiiseyaal ah ayaa sanadkasta booqda xeryaha xayawaanka ee ku yaala wadamada Kenya iyo Koonfur Afrika oo dhaqaale badani kasoo galo, hase ahaatee mararka qaarkood dalxiiseyaasha waxaa dhibaato u gaysta xayawaanka ay u daawashada tageen ee xeryahaasi ku jira.






SHABKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain