RAG KA TIRSAN AL SHABAAB OO ISKU DHIIBAY MAAMULKA PUNTLAND

RAG KA TIRSAN AL SHABAAB OO ISKU DHIIBAY MAAMULKA PUNTLAND
Waxaa maanta oo Isniin ah saraakiisha ciidanka Puntland ay warbaahinta u soo bandhigeen labo nin oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo horey uga tirsanaan jiray ururka Shabaab.

Labada Nin oo lagu kala Magaabo Yuusuf Xasan Axmad Fil-fil iyo Yaasiin Xasan Axmad Fil-fil oo walaalaa ayaa isku soo dhiibay Dawladda Puntland iyagoona kasoo goostay kooxda Alshabaab ee Nabad diidkaa.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhado ayaa sheegay in dhalinyarada kasoo baxda Alshabaab ay soo dhawaynyaan waxaana intaas uu raaciyay inay helayaan cafiskii Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Gaas horay u balan qaaday.

Labadan nin waxa ay magaalada ku lahaayeen labo guri oo ay degnaayeen alShabaab, guryahaasina waxa ay magaalada ama shacabka ku daadin jireen qashinka,kadib markii maamulku sidaas go’aamiyey, maanta wixii ka dambeeya guryahooda waa loo nadiifinayaa waana loo gelinayaa albaabada, si ay u degaan ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Bari.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain