Sheeko Qosol iyo Xikmad badan wadata!! Boqoroow ma dhab baa inaad Riyadan aragtay?

Sheeko Qosol iyo Xikmad badan wadata!! Boqoroow ma dhab baa inaad Riyadan aragtay?
Nin Boqor ah ayaa ku riyooday isagoo Ilkihiisa oo idil ay ka wada jabayaan, markaasuu u yeertay Nin ku xeel dheer Fasirka Riyooyinka, kiiyoo markii uu yimid ku yiri Boqorka:


Ninkii: Boqoroow ma dhab baa inaad Riyadan aragtay?

Boqorka: Haa waan arkay.

Ninkii: Hadaba Boqoroow waxaan ka xumahay inay Riyaduna fasireyso arrin murugo leh. Waxayna tahay, in Reerkaaga oo dhami ay adigoo jooga hortooda ku dhiman doonaan!!

Boqorkii oo Warka Ninku sheegay aad uga carooday ayaa Xabsiga dhigay Riyo Fasirihii. Wuxuuna mar kale u yeertay Nin bal midkan ka duwanaada oo Riyada si kale u fasira, kii loo keenayna isla sidii midkii hore buu wax u sheegay waana la xiray, illaa Dhowr Nin kale ay sidaas oo kale noqdaan.

Ugu dambeyntii Nin buu Boqorku u yeertay oo yiri bal adna Riyadan fasir. Kiina markuu Boqorka ku celceliyay oo ku adkeeyay inuu Riyada sida ay tahay u arkay, Boqorkuna Haa un ku jawaabay. Ayuu yiri:

Ninkii: Boqoroow aad baan kuugu hambaliyeynayaa!

Boqorka: Maxaa dhacay ood igu hambaliyeeyn?

Ninkii: Riyadu waxay sheegeysaa, in Adiga aad ugu Cimri dheeraanayso dhamaan Ehelkaaga!

Boqorku aad buu u farxay, Ninkiina wuu Abaal mariyay waliba si heer sareysa.
Developed by Jago Desain