Shir Wadatashi Hay’adaha Maxaliga ah iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo Maanta Lagu Qabtay Xaruunta Wasaaradda Haweenka

Shir Wadatashi Hay’adaha Maxaliga ah iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo Maanta Lagu Qabtay Xaruunta Wasaaradda Haweenka
Waxaa maanta Qolka Shirarka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland lagu qabtay shir wada tashi ah oo u dhaxeeyay hayadaha maxaliga ah iyo Wasaaradda.

shirka ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay kamid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa waxqabadka Hay’adaha maxaliga ah ee ka howlgala puntland dhanka wadashaqaynta iyo xog ururinta

sidoo kale qodobada muhiimka ah ee looga hadlay waxaa kamid ahaa qaybsiga dhaqaalaha gobolada,

baahinta adeegyada iyo sidii loo gaarsiin lahaa 9 gobol ee Puntaland , guud ahaan in la muujiyo wax qabadka Dowlada Puntland qaasatan barnaamij yada jinisiga si loo kobciyo Caafimaad,Dhaqaalaha,horumarinta Haweenka iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada.

Shirka Maanta lagu qabtay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa waxaa Shir Gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Anisa C/qaadir Xaaji Muumin, waxaana kasoo qaybgalay hay’ado farobadan.

shirka ayaa ugu danbeyntii kusoo dhamaaday jawi is fahan iyo wada shaqayn ah, dhanka kale hay’adihii kasoo qaybgalay shirka ayaa sheegay in qodobada lagu hishiiyay aanay noqon doonin kuwa looga tago miiska iyagoo balan qaaday inay ka dhabayn doonaan, howlahooda shaqana ay ku baahin doonaan 9ka gobol ee Dowlada puntland.
Developed by Jago Desain