TOP NEWS : Kulamadii ugu dambeeyay ee Iskushaan dhaynta Xukuumadda C/wali Gaas oo Madaxtooyada Puntland Ka socda

TOP NEWS : Kulamadii ugu dambeeyay ee Iskushaan dhaynta Xukuumadda C/wali Gaas oo Madaxtooyada Puntland Ka socda
Wararka Ka imaanaaya Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garowe ayaa ka waramaya kulamo labadii habeen ee ugu dambeeyay ay lahaayeen Madaxwaynaha dowladda Puntland iyo kuxigeenkiisa kuwaas oo ku aaddanaa isku shaandhayn ballaaran oo Madaxwaynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas la damacsanyahay golihiisa xukuumada.

Kulamadan ayaan war badan laga hayn iyadoona aysan madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu cidna ku wehelin kulamadaasi, waxaana wararku intaas raacinayaan in Xubnaha qaar golaha wasiirda cusub laysku fahmay halka qaarna laysku afgaran waayay.

Wasaardaha la dhaliilo oo la hadal hayo in isbedelku saameeyo ayaa waxaa ka mid ah Amaanka, Maaliyada, Arimaha gudaha, kaluumaysiga ,dekedaha iyo 
Qorshaynta Xariirka Caalamigaa.

Asbuucaan ayaa la saadaalinayaa inay dhacdo isku shaandhaynta, waxaana hadal hayanteeda siweyn looga dareemayaa Caasimada Puntland ee Garoowe iyo dhamaan Gobolada Puntland 

SHABAKADA BAARGAAl.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain