Posts

Wararkii ugu dambeeyay ee isku shaandhaynta Xukuumadda puntland

Waxaa Caawa soo dhamaatay oo xal kama dambays ah laga gaaray khilaafkii ka taagnaa magacaabista Wasiirada Cusub iyo Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada Dowlada Puntland

dadka Falanqeeya ama ka faalooda siyaasada ayaa aaminsan in Madaxwayne Gaas Puntland isbadel ballaaran ku sameeynayo golihiisa Wasiirada, iyadoo uu ka eegayo dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka & Siyaasada.

Wasiirada la xaqiijiyay in ay ka bixi doonaan golaha cusub ayaa waxaa ka mid ah
1.Dr. Saadaq Eenow Wasiirka Caafimaadka Puntland
2. Cali Xaaji Warsame Wasiirka Waxbasrahada
3. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Maaliyada
4. Xasan Maxamed Aloore Wasiirka Amniga.
5. Guuleed Saalax Barre Wasiirka Deegaanka iyo Duuqjoogta.


Dhinaca kale wajiyada cusub ee sida wayn loo hadal hayo inay ka soo dhex muuqdaan golaha cusub waxa kamid ah
1. Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo horey u ahaa Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Wasiirka Amniga Puntland
2. Maxamed Cabdi Xaabsade wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha.

beelaha Gobolada Sool , Sanaag iyo Gardafuu ayaan wali si buuxda ugu qanacsnaayan habka Magacaabista.

Waxaa warar si hoose uga soo baxaya madaxtoyada sheegayaan in wasiir anisa c/qaadir xaaji muumin la wado in loo magacaabo Wasiirka dastuurka iyo Arimaha federalka Puntland halka warar kale sheegayaan in loo daynayo wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska oo shaqo horumarineed oo balaaran ka socoto

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain