Posts

Wararkii ugu danbeeyay wakhtiga ay Dhacayso Isku-shaandhaynta Golaha wasiirada Puntland

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in maanta uu sameeyo isku-shaandhaynta golaha xukuumaddiisa ,ka dib mudo maalmo ah oo arintan si aad ah looga hadal hayay gudaha puntland.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay in afhayeenka madaxtooyada Puntland loo gudbiyay liiska cusub oo ay ku jiraan xubno horay xilal uga soo qabtay Puntland ,iyadoo ay meesha ka bixi doonaan mas'uuliyiin hadda aad ugu dhow madaxweyne C/wali Gaas.

Wasaaradaha ay isku shaandhayntan saamayn doonto ayaa kala ah wasaaradaha Amniga,Qorshaynta , Maaliyada, Arimaha gudaha,Ganacsiga iyo waliba wasaaradda dastuurka ,lamana xaqiijin karo magacyada ku cusub saaxada wasiirada ee liiskan ku jira.

xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in maanta ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee lagu dhawaaqi doono isku shaandhayntan mudada la sugayay.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain