Waxgarad Beeniyay warar been abuur ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay baahiyeen qaar ka tirsan warbaahinta Internet-ka.

Waxgarad beeniyay warar been abuur ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay baahiyeen qaar ka tirsan warbaahinta Internet-ka.


Waxgarad iyo cuqaal badan oo la soo xiriiray Shabakada Baargaal.net ayaa beeniyay warqad dhawaan lagu daabacay bogaga Internetka qaarkood oo looga been abuurtay Nabadoono iyo salaadiin ka tirsan Beesha Siwaaqroon, warqadaasi ayaa lagu shaaciyay in kalsoonidii lagala noqday Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin , arintaas oo ay nabadoonadu ku sheegeen waxba kama jiraan ayagoo cadeeyay in uusan dhican wax shir ah oo arintaas ku saabsan beeshuna isaga iman ayagoo si kulul u dhaleeceeyey in magacooda loo adeegsaday warsaxaaafadeed been abuur ah.

Nabadoonada ayaa Sidoo kale idaacadaha warkaasi qoray oo aan hubsan ku eedeeyay in ay ka been abuureen oo meel kaga dhaceen waxgaradka iyo nabadoona Beesha ayagoo ugu baaqay in ay ku baraarugaan khatarta ay leedahay in la baahiyo war aan xaqiiqo ahayn oo qof muslim ah lagu weerarayo ama keeni kar iska hor imaad.

Ugu danbeyntii Nabadoonada iyo waxgaradka Beesha ayaa sheegay in ay arintaasi abaabuleen shakhsiyaad gaar ah oo ay iyaga ku kooban tahay waxayna sidoo kale codsi u soo jeediyeen hay’adaha dawlada Puntland  gaar ahaan wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo warfaafinta ee warbaahinta maamula inay arrimaha noocaas ah ka hortagaan oo sharciga ku xakameeyaan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain