Posts

Xiisad ka taagan Garowe iyo Howlgallo ay Ciidamadu wadaan

Waxaa Rasaas Xoog Leh laga maqlayaa gudaha Caasumadda dawladda Puntland ee garowe, wararka ayaa sheegaya in Wasiirka amaanka Puntland uu wado Hawlgalo ku aadan sugida Amaanka Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo ka socda kuwa Dawladda Puntland ay u baxeen deegaanka karin dhiig oo Ay Ku Suganyihiin maleeshiyo uu wato Taliye xigeenkii hore ee ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Gacmeey oo lagu eedeeyay falal amniga lid ku ah.

Ciidanka ayaa haatan gaaray Degmada dangorayo ee Gobolka Nugaal, waxaana la ogaan karin talaabada ay qaadi karaan.

sida wararku sheegayaan maleeshiyada ka amar qaata Taliye xigeenkii hore ee ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Gacmeey ay ku sugan inta u dhaxaysa Qarxis & Dangorayo.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain