Xog Culus : Madaxweynaha Puntland Oo La Filayo Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada

Xog Culus : Madaxweynaha Puntland Oo La Filayo Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada
Wararka warbaahinta ka soo gaaraya aqalka looga taliyo puntland ee Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne C/weli Maxamed Cali  Gaas La Filayo Inuu uu isku shaandhen ku sameynaayo Golihiisa Wasiirada.

Isku shaandheyntan ayaa waxa ay si gaar ah u saameyneysaa Wasiirada, Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru dawladayaasha oo saanteeda laga dareemaayo Magaalada Garoowe.


Gaas ayaa sidoo kale meesha ka saari doono dhowr Wasiir oo badalkooda lagu buuxin doono Xubno kale oo qaarkood looga yeeray Madaxtooyada Dawlada Puntland looga arimiyo.

Xukuumada Cusub ayaa lagu wadaa inay ka mid noqdaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka , waxaana jiro warar sheegaya in Wasiirada qaar ay daaqada ka bixi doonaan.

Warar hoose ayaa la sheegayaa in Wasiirada la filaayo inay waayan xilkooda lagu eedeeyay isdaba marin iyo maamul xumo ka jirta wasaaradahooda  sidaasna ay ku wayn doonaan xilkooda walow aan weli magacyada Wasiiradaasi lahelin.

Inta badan shacabka puntland ayaa hadal haya Isbadalada lagu sameyn doono golaha wasiirada gudaha bishan.

Arrintan ayaa waxa ay imaanaysaa xili Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland ay Bishii hore ee May Dhaliileen Golaha Xukuumada waxaana shegeen inay Mooshin ka keenayaan walow mooshinkaas uu Noqday Mid Aan Lagu Gulaysan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka 
Developed by Jago Desain