Al-Qaacida oo ku soo rogtay ganaax dhaqaale oo adag ganacsatada qaadka ee magaalada Mukalla


Ururka Al qaacida  ee Jasiirada Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu ku soo rogay ganaax dhaqaale oo adag ganacsatada ka ganacsata geedka qaadka ee magaalada ugu wayn gobolka xadramout ee Mukalla oo uu  gacanta ku hayay ururku tan iyo bishii April ee sanadkan.

kooxda xagjirka ah ayaa maalintii Arbacada ee la soo dhaafay faafiyay waraaqo digniin ah oo ay ku sheegaayaan in ganacsade kasta oo lagu qabto haysashada qaad  u dhexeeya 1 kiilo ilaa10 kiilo uu bixindoono ganaax dhan 500 000 oo riyaal (ku dhowaad $ 2,500).

hadii uu yahay tirada qaadka lagu qabto inta u dhaxaysa 10 iyo 100 kg lacagta ganaaxa waa laba jibaar , hadii uu qaadka lagu qabto ganacsadaha ka badan yahay 100 kg ganaaxu wuxuu gaaraayaa  ilaa hal milyan oo riyaal iyo la wareegida baabuurka.

Ururka Al qaacida ee ka taliya Mukalla ayaa qaadka joojiyay bishii May laakiin qaar badan oo dadka deegaanka ayaa ku doodaya inaysan awoodin inay joojiyaan cunida caleenta cagaaran ee qaadka  

Geedka qaadka ayaa si xoogbadan loogu beeraa loogana isticmaalaa waqooyiga yaman oo ah xarunta xuusiyiinta shiicada, colka ugu caansan ee ururka al- Qaacida .



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email: baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain