Baargaal Secondary school oo caaway Barbardhac la Galay Dusiga sare ee Boocame una soo Gudbay Wareega Labaad ee Tartanka Dugsiyada Sare ee Puntland

Baargaal Secondary school oo caaway Barbardhac la Galay Dusiga sare ee Boocame una soo Gudbay Wareega Labaad ee Tartanka Dugsiyada Sare ee Puntland

Baargaal Secondary school ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa caawa Barbar Dhac la Galay iskuul sare ee Boocame ee Gobolka Sool tartanka waxbarashada dugsiyada sare ee Gobolada Puntland ee laga daadihiyo Radio Daljir ee Tartan iyo tacliin.

labada Dugsi ayaa muujiyay dadaal dheer iyo xamaasad ayadoo uu tartankaasi ku soo dhamaaday Baargaal Socondary School oo helay 8 darajo ,iyo dugsiga sare ee Boocame oo keenay isna  8 darajo sidaasina labada kooxood barbardhac galeen oo u soo wada baxeen wareega labaad ee barnaamajka.

Hambalyo dhamaan Ardayda Dugsiga Sare ee Baargaal iyo Bulshada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu oo caaway xiisaynaysay waa ifafaalo fiican iyo Guul isoo hoyatay waxbarashada Baargaal , gaar ahaan diga waxbarashada oo kusoo mintiday sidii iskuulkaasi u gaari  lahaa heerkaas waxbarsho

Hambalyo.... Hambalyo....Hambalyo


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain