Posts

Deg Deg:-Cabdikariim Xuseen Guuleed oo noqday madaxweynaha maamulka Galmudug

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha dawlada fedraalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ahaa musharx u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamulka Galmudug.

Cabdikariim Guuleed ayaa ahaa raga ugu cad cad ee doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado la rumaysnaa inuu kusoo baxaayo.

Dadkii uu la tartamayay waxaa kamid ahaa Axmed Cabdisalaam iyo Axmed Macalin Fiqi oo ay isla soo gaareen ilaa wareega 3-aad waxana wareega 2-aad ku haray Axmed Cabdisalaam.

Wareega Saddexaad ee Doorashada ayaa waxaa uu helay Musharax C/kariin Xuseen Guuleed 49 Cod Halka Musharax Axmed Macalin Fiqi uu helay 40 Cod.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain