Deg Deg : Kolonyo gaddiid uu la socday Afhayeenka Al Shabaab Sh. Cali Dheere ayaa lala eegtay duqeyn dhinaca Cirka ah

Wararka naga soo gaaraya gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere uu ka badbaaday weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday gaadiid uu la socday.

Xogaha aan heleyno ayaa waxay sheegayaan in diyaarado loo maleynayo in ay leedahay dowladda Kenya ay dul tageen kolonyo gaadiid ah oo Afhayeenka Galbinayay, taasi oo keentay in duqeyn lala eegto gaadiidkii.

Mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee galbinayay Cali Dheere ayaa waxaa haleelay gantaal, iyadoo weli aan la cadeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Waxii warkaas ka  ee soo kordha dib ayaan idinka soo shegeynaa

Shabakada baargaal.net
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari 
email:Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain