DEG DEG: Madaxweynihii Hore ee Dawlada Puntland C/raxmaan Faroole oo gaaray Magaalada Hargeysa

DEG DEG: Madaxweynihii Hore ee Dawlada Puntland C/raxmaan Faroole oo gaaray Magaalada Hargeysa
Waxaa goordhow magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland gaaray madaxweynihii hore ee Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Max'ed Faroole,kaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

ilo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay gaaritaanka Faroole ee magaalada Hargeysa,waxaana sababta halkaasi u tagay lagu sheegay inay tahay arimo Qoys

Faroole ayaa sida la sheegay waxaa Hargeysa uga sii horeeyay oo ku soo dhaweeyay Carruur uu dhalay,kuwaasi oo garoonka kaga hortagay.

Maamulka Somaliland ayaa horay ugu dhawaaqay in Soomaaliya inteeda kale ka go’een,islamarkaana ay noqdeen Dowlad ka madax banaan Soomaaliya,laakiin wali aan beesha caalamka aqoonsi ka helin.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya muran soo jiitamay, kaas oo ka bilawda xadka labada dhanac oo ay qolo waliba lahaanshiisa gaar u sheeganayso.


Halkan Ka Daawo 



Shabakada baargaal.net
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain