Dhagayso : Dawlad Goboleedka Jubbaland Oo Casumaad u Fidisay Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Puntland

Dhagayso : Dawlad Goboleedka Jubbaland Oo Casumaad u Fidisay Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Puntland
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen Maxamed Warsame Faarax Darwiish oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu u balan qaadayo Haweenka Jubbaland bisha soo socota ee August 2015  inay heli doonaan tirada xubnaha kaga jirta hada tiro ka badan, xuquudoodana ay Dowlada Jubbaland miiska ay saari doonto.

hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay kulan soo dhaweyn ahaa oo xalay wasaaradda haweenku ugu samaysay Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Wasiir Darwiish oo ku hadlayay afka xukuumada Jubbaland ayaa casuumaad u fidiyay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Marwo Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Puntland Marwo Khadro Warsame Jaamac .

casuumaadan oo wasiirka iyo gudoomiyaha haweenku ay aqbaleen ayaa ah mid ay kormeer  ugu tagi doonaan gobolada Dawlad Goboleedka Jubbaland si ay u soo arkaan xaalada haweenka Jubbaland ayagoo sidoo kale ka  qayb qaadan doona dhismaha urur Haween oo ay jubbaland yeelato.

Halkan Ka dhagayso Hadalka Wasiirka 



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain