Posts

Dhagayso : Madaxwayne Gaas oo qiray In Puntland uu ka jiro Musuq Maasuq Baahsan

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland prof. C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay boqolaal dadweyne ah oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kuna sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu qirayo in musuq maasuq uu ka jiro hayadaha Puntland.

Madaxwayne C/welli Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku mashquulsan yahay inuu wax ka qabto musuq maasuqa ka jira deegaanada Puntland sidii loo dhameyn lahaa, arintaasina wuxuu sheegay iney kala kaashanayaan Bangiga adduunka.

"Ma dhahayo musuq maasuq, musuq maasuqa wuxuu ka jira dhamaan xafiis kasta oo dowladeed, waxaan wadnaa qorshihii lagu dhameyn lahaa musuq maasuqa ka jira deegaanada Puntland"sidaasi ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland C.Welli Gaas ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay tahay in muddo bilooyin ah wax mushaar ah la siinin ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamada amaanka ayuu sheegay iney si joogto ah u qaataan mushaarkooda ayna siiyaan gunooyin la mid ah mushaara sida uu hadalka u dhigay.

Madaxwayne C/welli Gaas ayaa kusoo laabtay magaalada Garowe ee caasimada puntland kadib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay magaalada Caasimada u ah dalka Kenya ee Nairobi.

Halkan ka dhagayso


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain