Dhagayso :Taliye Ku Xigeenka ilaalada Canshuuraha Gobolka Gardafuu oo ka warbixiyay Waaxda Ilaalada Canshuuraha Gobolka

Dhagayso : Taliye Ku Xigeenka ilaalada Canshuuraha Gobolka Guardafuu oo ka warbixiyay Waaxda Ilaalada Canshuuraha Gobolka
Taliye Ku Xigeenka ilaalada Canshuuraha ee Gobolka Guardafuu Gaashaanle Axmed Maxamed Carays (Toltolaare) oo lasoo xiriiray Warbaahinta Baargaal media ayaa ka warbixiyay Waaxda Ilaalada Canshuuraha ee Gobolka iyo sida ay u shaqeeyaan.

Taliye toltolaare ayaa sheegay in taliskoodu ka howlgalo gobolka xuduud ka xuduud ayna gobolka mareen asagoo tilmaamay in lacagta cashuuraha la soo qaado uu gobolka leeyahay 50% oo uu soo qaado xisaabiyaha gobolka.

Taliye Totolaare ayaa intaasi ku daray in hawsha loo igmadayna tahay inay ilaaliyaan lacagaha cashuuraha asagoo tilaamay in markii ay lacagta cashuuraha maaliyada ku shubaan inaysan xaq u lahayn inay sii dabagalaan , lacagtaasina ay u taal xisaabiyaha gobolka iyo gudoomiyaasha degmooyinka iyo golayaashooda deegaanka.

Ugu Danbaytii taliye Totolaare ayaa ugu hamblayeeyay munaasabada ciidul fidriga shacabka gobolka gardafuu , shacabka puntland iyo dhamaan ummada soomaaliyeed

waxaa xusid mudan in Gobolka gardafuu oo cashuuro badan soo xareeya uu ka aradanyahay adeegyada asaasiga ah ee bulshada sida wadooyin Hagaagsan , ceelal biyood, Caafimaad , waxbarasho iyo dhamaan adeegyada kale ee asaasiga ah ee Bulshada

Halkan Hoose Ka dhagayso Waraysiga oo dhamaystiran




SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain