(Dhagayso) : WAR SAXAAFADEED WASAARADAHA HAWEENKA PUNTLAND IYO JUBALAND OO GO’AAN SOO SAARAY

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Jubbaland, Marwo Qamar Khaliif oo haatan shirar kala duwan ugu maqan cariga Maraykanka ayaa taleefanka kula hadashay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Puntland, Marwo Anisa Hajimumin. Wada hadalkan ayaa sal ku leh hindisaha lagu midaynayo haween waynaha Puntland iyo Jubaland taasoo salaadiinta iyo siyaasiyiinta Jubaland ee dhowaan soo gaaray Puntland kala falanqoodeen Wasiir Anisa Hajimumin, oo iyadana soo dhowaysay, una diyaar garowday dar dar gelinta howshan.

Wasiir Qamar iyo Wasiir Anisa ayaa iyagoo eegaya baahida loo qabo, horumarinta arimaha haweenka iyo qoyska, iyo habkii ay labada wasaaradood u shaqeeyn lahaayeen, isku raacay in marka hore la hago baahiyaha wasaaradaha. Kadib ayaa lagu gaaray go’aan in la mideeyo haween waynaha intiisa kale. Qodobada labada wasiir isku raaceen ayaa ka mid ahaa:

1. La mideeyo labada wasaaradood
2. La qeexo howlaha ay wada qaban doonaan
3. La iftiimiyo habkii Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Puntland ay xag farsamo iyo shaqo ula garab gali lahayd Wasaarada Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Jubaland
4. In tababaro, iyo kulamo loo sameeyo labada wasaaradood, shaqaalahooda, isuduwayaashooda lana kala kororsado, aqoon, xirfad iyo khibrad

Wada hadalkan ayaa si guul leh kusoo dhamaaday, labada wasiirna cadeeyeen inay ka go’an tahay habkii ay u kobcin lahaayeen horumarinta baahiyaha haweenka iyo qoyasaska.


halkan ka dhagayso 



Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain