(Dhageyso):- Guddoomiyaha G. Gardafuu Oo ka warbixiyey Carruur Cudurka Jaceeda ugu geeriyootay Degmada Murcanyo

Seddex Carruur ah ayaa u dhimatay 12 kalena Waalla ildaran yihiin Cudurka Dilaaga ah ee Jaceeda Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafuu, Cudurkan oo Degmada soo galay ka dib markii la keenay Carruur aan talaalnayn oo Dhulka Miyiga ah laga keenay sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed (Iidi) oo u warramay Idaacadaha Maxalliga ah.

Guddoomiyaha oo dhamaan caruurtaas iyo qoysaskooda guryaha ku booqday ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhowr iyo soddon Carruur ah oo markii hore Jadeecadu soo ridatay ay ka kaceen balse hadda xaaladd nafaqo darro ah ay haysato, waxana uu intaasi ku daray in Degmada Murcanyo ay leedahay Xarun Caafimaad (MCH) balse aysan ku filnayn Daboolidda Baahida Carruurtan uu Cudurka Jadeecaddu soo ritay.

Ugu dambayntii Guddoomiye C/qaadir iidi waxa uu sheegay in dhibaatada dhinaca caafimaadka ugu daran ee hadda haysta Gobolka Gardafuu ay tahay Dhakhaatiir la’aan iyo xarumaha Caafimaadka oo ku yar Deegaanka.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Garfaduu.
Developed by Jago Desain