DIGNIIN : MARQAQ DIGAAGA CUNTADA LAGU DARO :::: WAA SUN DILAA AH EE ISKA ILAALIYA

DIGNIIN : MARQAQ DIGAAGA CUNTADA LAGU DARO :::: WAA SUN DILAA AH EE ISKA ILAALIYA
Qaar badan oo ka mid ah hablaha Soomaaliyeed ee Cuntada Noo Kariya ayaa isticmaala xabadaha Maraq Digaaga markay Diyaarinaayaan Noocyada kala duwan ee Cuntooyinka si ay u siiyaan dhadhan kala duwan ama cuntada ugu macaaniyaan.

laakiin daraasado badan oo lagu sameeyay xabadaha Maraq Digaaga ayaa sheegaya inuu ka kooban yahay ciddiyaha, lafaha iyo haraaga hilibka iyo qaar ka mid ah xubnaha gudaha ee digaagga, waxaa intaasi ka daran oo ku jira Maado  la yiraahdo Mono glutamate sodium oo saamayn xun iyo dhaawac u gaysata unugyada maskaxda carruurta, sidoo kale dhibaato xun gaarsiisa beerka, kelyaha, waxay kale oo ay maadadaasi sababtaa cudurro kale oo ba'an oo waqti dheer kadib sababa kansar, sida ay daabacday jariirada Shorouk Masar

Wargeyska ayaa soo bandhigay asagoo la kaashanaya Dr. Linda Gaad, oo ah la taliye quudinta,cayilka iyo ku-daweynta hab caafimaad qaab aamin ah oo loo diyaarin karo Xabadaha Maraq digaaga si looga kaaftoomo in dibada laga soo iibsado.

Tallaabooyinka lagu diyaarin karo maraq digaag adigoo gurigaaga jooga :

  1. Soo qaado lafaha digaaga si fiican biyo , milix iyo khal ugu dhaq .
  2. Soo qaado basal oo ku walaaq lafaha.
  3. lafaha iyo Basasha gali foorno heerkul gaaraya 180 ° C hal saac .
  4. Keen dheri ay ku jiraan litir biyo ah milix iyo basbaas. 
  5. isku walaaq alaabtii furanka aad ka soo saaraty kuna dar dheriga biyaha oo dab kulaylkiisu hooseeyo saar muddo hal saac ah .
  6. Maraq kdhsha waxaa lagu daraayaa baraf waana laga tagaayaa si uu u qaboobo waxaana loo isticmaali karaa Maraq digaag ahaan .

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wrarka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain