Dowlada Puntland Oo Ka Sheegtay Gudiyada Baarlamaanka DFS Ansixiyey In Aysan Dhulkeeda Ka Shaqayn Doonin

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in deegaanadeeda ka dhaqan gali doonin xeerarka uu shalay meelmariyey Baarlamaanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo gudiyada xaduudaha,federaalka iyo doorashooyinka.

Wasaradda Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa Baarlamaanka usoo gudbisay warqad ay ku qoran tahay xeerar uu meelmariyay Baarlamaanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya kuwaasoo aan wax latashiyo ah lagala samayn mamulada dalka ka jira ee qaybta ka ah nidaamka Federaalka.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si jooto ah usoo saartaa xeerar kala duwan iyo macaabista guddiyo heer federaal ah, xeerarkaasi iyo gudiyadaasi oo ay ahayd in lagala tashado dowladdaha xubinta ka ah dowladda Federaalka sida uu qabo Dastuurka dowladda Federaalka KMG ah , qodobadiisa kala 111, farqadiisa 1-aad, iyo 2.aad iyo qodobaka 142 farqadiisa 2-aad’.Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka wasaradda Dastuurka usoo gudbisay gollaha xeer dajinta Puntland.

Puntland ayaa go’aan satay dhammaan xeerarkii iyo guddiyadii uu Baarlamaanka DFS meelmariyay aysan ka shaqayn karin deegaanadda Puntland, waxana sidoo kale warqadan lagu cadeeyay xeerarka iyo guddiyadda la meelmariyay.

Xeerka Guddiga Xaduudaha iyo Arrimaha Federaalka, Xeerka guddiga doorashooyinka, Xeerka Kalluumaysiga, Xeerka Hanti dhowraha guud, Somali Militry treat with Italy, Xeerka guddiga adeega garsoorka, xeerka Isgaasiinta iyo xeerka warfaafinta.

Baarlamaanka Puntland ayaa ka doodayaa maalinta Arbacada siyaasadda dalka sida xiriirka ka dhaxeeya Punland iyo dowladda dhexe,maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado iyo aayaha danbe ee Puntland xariirka kala dhexeeya dowladda federalka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain