HAMBALYO: Xaafada 26 June Boosaaso oo Finalka barnaamajka kadiska aqoonta SBC usoo gudubtay

HAMBALYO: Xaafada 26 June Boosaaso oo Finalka barnaamajka kadiska aqoonta SBC usoo gudubtay
Xaafada 26 june Boosaaso oo sanadka matalaysay Xaafadaha Caasimada ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyo gobolka Bari ayaa Caaway u gudubtay final-ka ama wareega kama danbaysta ah ee tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka badisay xaafada Hodon Garowe 

Labadan Xaafadood ee 26 june Boosaaso iyo Hodon garowe ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 8 su'aalood waxyna midiiba laheyd 4 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.


Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.


Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada 26 june Boosaaso oo la timid 7 Dhibicood halka xaafada kale ee Hodon garowe ayaa la timid 4 dhibcood oo kaliya guushiina ku raacday

Xaafada 26 june Boosaaso oo noqotay xaafadii labaad ee usoo gudabta gudubta wareega ugu danbeeya ee barnaamajka kadib xaafada 1 august garowe 

Hambalyo ,Hambalyo Waa guul usoo hoyatay Bahda waxbarashada Gobolka Bari iyo Boosaaso hoyga waxbarashada Puntland  ..

hambalyo dhamaan taageerayaasha iyo tartamayaasha iyo gudiyada  xaafada 26 june Boosaaso ee hawshaas ka qayb qaatay iyo dhamaan dhalinyarada xaafada 26 june Boosaaso
hambalyo.... hambalyo....hambalyo


Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada 26 june Boosaaso ee usoo gudbay wareega

ugu danbeeya barnaamajka anagoo u rajaynayna inay sanadka koobka hantaan 

SHABKADA BAARGAAL.NET

isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain