Hambalyo :Xaafada Bilkhayr Xaabo oo wareegii Labaad ee barnaamajka aqoonta kadiska SBC usoo baxday

Xaafada Bilkhayr xaabo  ee Gobolka Gardafuu oo sanadka matalaysa Xaafadaha Magaalada Xaabo iyo Gobolka Gardafuu ayaa Caaway markii sadexaad soo bandhigtay wacdaro aqooneed Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo ka adkaatay Xaafada Hodon Garowe ee Gobolka Nugaal

Labadan Xaafadood ee Bilkhayr xaabo iyo Hodon Garowe ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Bilkhayr xaabo oo la timid 7 Dhibicood halka xaafada kale ee Hodon garowe ay la timid 5 Dhibicood , waxaana sidaas guushu ku raacday Xaafada Bilkhayr xaabo

sidaas waxay Xaafada Bilkhayr xaabo ku aruursatay 24 dhibcood oo ka dhigtay inay u soo gudubto wareega labaad ee tartanka 

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood .

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada taageerayaasha iyo tartamayaasha Xaafada Bilkhayr xaabo ee usoo gudbay wareega labaad 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Baargaal
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain