Madaxweynaha Puntland oo Hambalyada Ciidul Fitriga u direy dadweynaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay saxaafada gudaha ayaa hambalyo ku aadan maalinta Ciida u direy dhamaan dadweynaha Puntland ee ku sugan dal iyo dibada.
Hambalyo Hambalyo ayaan leeyahay dhamaan shacabka Puntland iyo umada Soomaaliyeed, waa maalin farxadeed waxaana dadweynaha ugu hambalyeynayaan maalinta Ciidul Fitriga, Waxaan leeyahay fadhligii iyo khayrkii bishii Ramadaan Allaha indin ka jaa’iseeyo khayrkii aad soo shaqaysateen” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha wuxuu dadweynaha Puntland iyo kuwo Soomaaliya ugu duceeyey in nabad iyo midnimo ku gaarsiiyo Ciidan ciideeda kale.

Maalinta beri oo ah maalin Ciidul Fitriga ayaa salaada Ciida madaxweynaha Puntland Dr Gaas, Madaxda Jubbaland iyo federaalka shacabka kula tukan doonaan Garoonka kubada cagta Mire Awaare ee Garoowe.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain