Markab siday Xoolo Badan oo ku degay Badweynta Badda Cas

Markab siday Xoolo Badan oo ku degay Badweynta Badda Cas
Waxaa xalay saq dhexe ku degay Badweynta Badda Cas Markab siday Xool nool oo ka goostay Dekadda Magaalada boosaaso, Markabkan ayaa lagu magacabi jiray  AL-Baraka Two.

Markabkan oo siday xoolo isugu jira ari iyo lo'a ayaa lagu sheegay tirada uu siday inay dhamayd Sideed kun Sadex boqol iyo sodon neef oo ari ah iyo Laba kun iyo Sagaal Boqol oo lo' ah asagoo markabku ku degay halka lagu magacaabo Kuuriya muuriya oo ah Bartamaha Badweynta Sucuudiga iyo Soomaaliya u dhexeeya.

Markabkan Xoolaha siday waxaa iska lahaa min carab sucuudiyaan ah oo Maxjarka Magaalada Boosaaso ka iibsada Xoolaha oo u dhoofiya Dalalka Carabta oo xoolaha ugu badan geeya Dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Markabkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laba ka mid ah shaqaalihii Saarnaa ku geeriyoodeen oo la sheegayo in mid ka mid ah uu yahay Soomaali Waxayna wararku intaas ku darayaan in Shaqaalihii kale laga badbaadiyey oo gadiid badeed ka agdhawaa ay samatabixiyeen.

Xilligan ayaa ah xili dabeylaha Xagaaga ay dhacaan oo Baddu aad u kacsan tahay inkastoo badda Cas inta badan la isticmaalo oo aany khatar sidaas ah u aheyn sida badweynta Hindiya oo ah baddaha ugu khatarta badan xilliga xagaaga oo ay Gaadiidka badda mara halis badan kala kulmaan xilliga xagaaga ah

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain