Posts

Mucjiso Cusub Sawir u Muuqaal eg Nin salaad Tukanaya oo Is bedbedalaya oo Lagu Arkay Dalka Mali

Kumanaan Qof ayaa ku sii Qulqulaya darbiga musqul ku taala bartamaha magaalada Bamako ee Dalka Maali oo la sheegay in uu ka soo muuqday muuqaalka nin salaad tukanaya.

Muuqaalka qof cad ayaa fiidnimadii sabtidii la soo dhaafay ka soo muuqday darbiga, waxaana marba marka ka dambeeyo isa sii badalayay muuqaalkaasi.

Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka guriga qoyska Traoré oo u dhow masaajid la yiraahdo Ousmane Kalapo oo ku yaalo xaafadda Hamdallaye ee Bamako.

Aliou Traoré ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in sawirkaasi uu yahay Nabi, waxa uuna intaasi ku daray in dad badan ay sawirkaan ama muuqaalkan uga soo daawasho tageen dalka Senegal iyo waliba dhowr wasiir oo ka tirsan dowladda Mali iyo hoggaamiyayaasha diimaha oo iyagana soo booqday guriga qoyskaasi.

Traoré ayaa intaasi ku daray in muqaalkaasi midabka cad leh ee ka soo muuqday darbiga uu u ekaa nin jilba dhulka ku hayo.

Sawirkaasi ama muuqaalkaasi ayaa waxaa aad loogu faafiyay Bamako,
waxaana dad badan ay ku haysataan taleefoonadooda gacanta.
Mar ay BBC-da booqatay halkaasi ayaa sawirkaasi waxa uu u muuqday sida
cantoobo shamiinda ama sibir ah oo sii ingagaysa, una muuqaal eg
haweeney taagan.
Dadka deegaankuna waxa ay sheegeen in ay waxaasi yihiin wax iska caadi ah.

Booliska rabshadaha ka hortaga iyo ilaalada qaran ayaa waxa ay xakameynayaan dad tira badan oo isugu jiro kuwo da' ah iyo kuwa bukaan ah, kuwaas oo habeen iyo maalinba jooga waddooyinka gurigaasi oo gebi ahaanba la xiray

Sourcea BBC

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain