Posts

Nin Soomaali Ah Oo Ku Guulaystay Lacag Dhan Hal Milyan Oo Dollar, Oo Uu Ku Helay Fursad Bakhtiyaa-nasiib Oo Uu Galay


Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Abdullahi Mohamed, oo ku nool dalka Canada, ayaa si weyn ugu dabaal-degay farxada lacag aad u badan oo uu ku helay fursad bakhtitaa-nasiib oo uu galay, isaga oo si nasiib ah ugu guulaystay in uu helo lacag bakhtiyaa-nasiib, ah oo tiradeedu dhan tahay Hal Milyan oo Dollar.

Shirkada bakhtiyaa-nasiibka ee ku taalla gobalka Ontario, ee dalka Canada ee lagu magacaabo Ontario Lottery and Gaming Corporation, ayaa si rasmi ah u shaacisay in ninkan lagu magacaabo Abdullahi Mohamed, oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay fursada bakhtiyaa-nasiibka shirkada bishan July, ee aynu ku jirnaa uu ku guulaystay in uu helo lacag dhan Hal Milyan oo Dollar, iyada oo ninkan ku guulaystay fursadan dahabiga ahi uu ka iibsaday tikidhada guusha ee lagu galayay bakhtiyaa-nasiibkan goobta lagu magacaabo Corner Store 12 on Chippawa Street in Windsor.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain