Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Cadaado ka Degay isagoo Garowe laga sugayo iyo Puntland oo yaabtay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka degay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta la filayay inuu tago magaalada Garoowe.

Ujeedada maanta u tagay magaalada Cadaado ayaa la sheegay inuu kulamo la qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa si ay kaga wada hadlaan arimaha murunka ka keenay maamulka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wali laga sugayaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi oo ay kus ugan yihiin Hoogaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo.


Raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa galabtay soo gaaray caasumada Puntland ee Garoowe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey ayna soo dhaweeyeen Madaxweynaha dawladda Puntland & kuxigeenkiisa.

Raysalwasaaraha ayaa booqashadiisa Puntland waxaa la socda Wasiiro kamid ah Xukuumadiisa iyo Mudanayaal ka socda baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sida muuqata Ujeedada booqashadan ay daaran tahay arrimaha labada dhinac isku hayaan.

Wasiirka Dastuurka, Shan Xildhibaan, Lataliyaasha Raysalwasaaraha ayaa kamid ah wafdiga waxaana sida muuqata si weyn looga doodi doonaa arrimaha Dastuurka oo ay Puntland marar badan ka hadashay.
BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain