Posts

Shir lagu dhisayo dallad midaysa ururada dhalinyarada puntland oo Garowe ka furmay


Ururada Dhalinyarada ee ka jira deegaanada iyo Gobolada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa Garoowe uga furmay shir ay uga arrinsan doonaan dhismaha Dallad guud oo midaysa Ururada dhalinyarada taaso oo qorshuhu yahay in la dhiso.

Shirka oo ka furmay xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa socon doona mudo afar maalmood ah, waxana kasoo qayb-galay xubno ka socda Ururada dhalinyarada guud ahaan gobollada Puntland.

Furitaanka shirka oo ayka hadleen mas'uuliyiin ka tirsan waaxda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo xubno ka tirsan Ururada Dhalinyarada ayaa looga hadlay masiirka dhalinyarada Puntland iyo ahmiyada ay leedahay dhismaha Dallada guud, waxaana dhalinyarada Ururada matalayey ee madasha ka hadashay sheegen inay ka go,an tahay hirgelinta dhismaha Dallada guud waxayna tilmaamen inay door muuqda ka qaatan doono horumarinta Dhalinyarada Puntland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain