Tababar Kusaabsan Hogaaminta Wanaagsan Oo Lagu Qabtay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ( SAWIRO + WARBIXIN)

Tababar Kusaabsan Hogaaminta Wanaagsan Oo Lagu Qabtay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ( SAWIRO + WARBIXIN)
Hay’ada Horumarinta Haweenka Afrika ee magaceeda marka lasoo gaabiyo loo yaqaan FAWESOM oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa waxa ay ka Biloowda Magaalada Garoowe Tababar ku saabsan Hogaaminta Wanaagsan.

Tababarkani oo ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta haweenka puntland ayaa tabarkani maanta ka furmay xaruunta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland uu qayb ka yahay Masruuca Kor u qaadista Aqoont Haweenka Puntland oo ay maalgelinayso Hay’ada UNDP.

Tababarkani ayaa socon doona mudo saxe maalmood ah waxaana loogu talo galay inay ka faaidaystaan Markiiba 40dumar ah oo ka kala socda Ururada Haweenka iyo Hogaanadooda.

Tababaradaan oo ah afar tababar waxaa lagu qabandoonaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe bilaha August,Oct iyo December waxaana Mashruucani fulinaya Hay’ada FAWESOM waxaana hogaaminaya dhamaan howlaha tababarkani Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland.



























SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain