Posts

Tahriibayaal ay soomaali ku jirto oo ku geeriyooday Xeebaha Dalka Talyaaniga


Ku dhawaad 40 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintey badda Midhitereeniyaanka kadib markii ay soo raaceen dooni buufin ah oo waday in ka badan 100 qof taasoo ku dagtey xeebaha dalka Taliyaaniga, sida ay hey`ada Save The Children kasoo xigatey dadkii lasoo badbaadiyey Talaadadii.

"waxay yiraahdeen waxaa jirey 137 qof oo saarnaa doon kuwa la buufiyo ah taasoo ay kala jabeen Al-waaxyadii isku hayey kadibna qaraxday qaarkood ayaa markiiba badda isku daadiyey. qaarna waxay yiraahdeen dhimashada aad ayey u badneyd `qaar kalena waxay yiraahdeen dhimashadu waxay gaareysay ku dhawaad 40 qof. Giovanna di Benedetto oo katirsan Save the Children ayaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka lasoo badbaadiyey ayaa qeyb ka ahaa koox ku dhow 200 oo qof oo muhaajiriin ah oo la socdey laba doonyood oo kala duwan oo laga soo badbaadiyey maalmihii lasoo dhaafey biyaha Sicily

Muhaajiriin gaaraya 1,900 oo qof ayaa ku dhintay sanadkan oo kaliya Xeebaha dalka Talyaaniga iyaga oo ku sii jeeday Yurub

shabakada Baargaal.net
isha wararka calbari
Developed by Jago Desain