Posts

War deg deg ah: – Madaxweyne Gaas oo wada Iskushaandheyn qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradda


Wararka Ka imaanaaya Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas maalmahan soo socda iskushandheyn ku samayn doono Golaha wasiirada qaar ka mid ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Iskushandheyntan ku dhacayso Wasiir ku xigeenada iyo wasiirudowlayaasha oo aan isbadelkii hore saamayn.

Wararka ayaa tilmaamaya in horaanta bisha Augost inuu ku dhawaaqayo Madaxweyne Gaas Isku shandheynta Wasiir ku xigeenada iyo wasiirudowlayaasha cusub.

Iskushandheyntii hore ee golaha Wasiirada ayaa noqotay mid kooban iyadoo bulshadu badankeed sugayeen inay noqoto mid salbalaaran oo ay ka dhex muuqadaan dad wax ka qaban kara dhaqaale xumada dalka ka jirta aqoona u leh Siyaasadda gudaha Puntland

Waxaa hada la hadal hayaa in isbedelka cusub uu sidoo kale madaxwaynuhu ku qancin doono cabashooyinka ka dhex jira Beelaha Qaar gaar ahaan Beelaha Gobolada Bari iyo Gardafuu

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain