Faah-Faahin: Ciidan gadoodsan oo Garoowe Gaaray

Wararka ka imaanaaya  caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidan Gadoodsan oo hor leh ay soo gaareen magaalada kuwaa oo ka soo baxay fariisimo ay ku sugnaayeen oo ku yaal duleedka Garoowe. 

Askarta gadoodka difaacyada kaga soo baxday ayaa ku sugnaa aaga Laascaanood sida ay wararka sheegayaan Waxaa lagu soo waramayaa in askartan gadoodsan ay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahdan Afartii bilood ee u dambeysay, waxaana ay door bideen in ay iskaga imaadaan difaacyadii ay ku sugnaaayeen. 

Wasiirro ka tirsan dowladda Puntland ayaa wado hadda dadaalo la doonayo in askarta lagu qanciyo ballan qaadna loogu sameeyo si loog celiyo difaacyadii ay soo baneeyeen. 

Horay sidaan oo kale ku dhawaad 400 oo askari oo ka tirsan noocyada kala duwan ee ciidamada Puntland ayaa gadooday waxaana ay hadda ku sugan yihiin aaga Qarxis ee gobolka Nugaal. 

Ma muuqato hadda qorshe cad oo ay dowaladda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Gaas ku dooneyso in ay askarta ku qanciso maadama arrintan ay dhowr jeer soo noq-noqotay. 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email: baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain