Wasaarada Haweenka Puntland oo qabatay Kulan looga hadlayo ka qaybgalka haweenka Golayaasha Deegaanka (Sawirro)

Wasaarada Haweenka Puntland oo qabatay Kulan looga hadlayo ka qaybgalka haweenka Golayaasha Deegaanka (Sawirro)
Wasaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland oo kaashanaysa Barnaamijka JPLG horumarinta degmooyinka Puntland ayaa maanta xarunteeda magalada Garowe ku qabatay kulan diiradda lagu saarayo sidii raggu u taageeri lahaayeen haweenka in qoondada laga siiyay ka mid noqoshada gollayaasha deegaanka helaan.
Kulanka waxaa lagu caasumay afartan qof oo ka kala socday ururadda bulshada ee Gobaladda Puntland, waxana furitaankiisa hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha guud ee wasarada Haweenka Puntland Cabdirisaaq Nuux Maxamed (Hantiile), wuxuna sheegay in ay muhiim tahay in raggu taageeraan sidii haweenka kuraasta ay ku lee yihiin gollayaasha deegaanka helaan si loo xaqiijiyo hamigooda siyaasadda.
Tiradda xubnaha gollaha deegaanka ayaa dhan 21-taasoo ka dhigan inay yar tahay xubnaha ay haweenku ku yeelan karaan balse loo baahan yahay boqolkiiba labaatanka loo qorsheeyay xilligii Cadde Muuse la siiyo, Agaasime Hantiile ayaa sheegay inuu soo dhawayn doono waxa gaba-gabada kulankan ka socda.
Doodaan oo socon doonta Mudo labo maalmood ah ayaa waxaa xiritaankeeda ka soo qayb-galaysa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska Dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin iyadoona dhammaadkeeda laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan in haweenka xaqooda gollayaasha deegaanka Puntland la siiyo.














SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain