Posts

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gurmad caafimaad u dirtay Degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu oo uu cudurka Jadeecadu ka dilaacay

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay inay gurmad caafimaad u dirtay degmada Murcanyo ee gobolka Gardafu halkaas oo dhowaan uu ka dilaacay cudurka Jadeecadda, kaasoo dilay ilaa 4 carruur ah oo ka yar shan sano.

Agaasimaha guud ee waaaradda caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay daawooyin iyo kooxo caafimaad udirayaan degmada Murcaanyo ee gobolka Gardafuu halkaas oo ahayd meesha uu xanuunku ka dilaacay oo qeylo dhaantu kasoo yeertay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay inay joogtayn doonaan tallaalka ka hortaga jadeecadda ee gobolka Gardafuu si aanu xanuunku ugusoo gudbin gobolada kale.

Tobanaan carruur ah ayaa weli u jiifa xanuunkaan degmada Murcaanyo oo kamid ah degmoyinka gobolka Gardafuu.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain