Wasiiradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland oo kormeertay mashruuca ka hortaga umul raaca iyo badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ee Carmma [SAWIRO]

Wasiiradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland oo kormeertay mashruuca ka hortaga umul raaca iyo badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ee Carmma [SAWIRO]
Wasiiradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa kormeer ku sameysay mashruuca ka hortaga umul raaca iyo badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ee CARMMA.

Wasiiradda haweenka oo ah wakiilka Mashruucan ee dowladda Puntland ayaa booqatay xarumaha uu mashruucan ka socdo sida isbitaalka guud ee Garowe iyo xarumaha hooyada iyo dhallaanka.

Kormeerka wasiiradda haweenka waxaa ku wehliyay, wasiir ku xigeenka cafimaadka Puntland Aamino Maxamed Cabdullaahi, agaasimaha guud ee isitaalka Garowe Dr. Cabdisamad Axmed Jaamac iyo saraakiil ka socday hay'ada UNFPA oo mashruucan iyadu maalgalisa.

Wasiir Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay muhiimada kormeerkoodu inuu ahaa sida mashruuca u shaqeynayo iyo sida looga faa'idaysnayo

Dr. Xabiibo Nuur Ismaaciil oo madax u ah isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee mahsruuca Carmma ayaa wasiiradda haweenka uga warantay habsami u socodka barnaamijkan, waxayna sheegtay inay ka faa'idaysteen haween badan oo danyar ah oo horey guryaha ugu dhali jiray, inkastoo ay sheegtay inay jiraan baahiyo xaga qalabaynta ah iyo adeega hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir anisa ayaa sheegtay inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan baahida muhiimka ah, waxayna hay'ada UNFPA ugu baaqday inay soo dhameystiraan qalabka loo baahan yahay si hooyooyinku u helaan adeeg dhameystiran oo lacag la'aan ah.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/wali maxamed cali Gaas ayaa bishii November ee sanadkii hore xariga ka jaray mashruuca Carmma isagoo madax uga dhigay wasiiradda haweenka Puntland.
















SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain