Posts

Burcad badeed ku xiran Cumaan oo codsaday in dib loogu celiyo Soomaaliya

Tiro dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Cumaan ayaa codsi u jeediyay dowaladda Soomaaliya oo ay doonayaan in ay ka caawiso sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo ku xukuman dhowr iyo labaatan sano oo xarig ah, oo BBC-da la soo xiriiray, ayaa sheegay in dowladda Cumaan ay siisay fursad ah in muddada ka dhiman xabsigooda ay ku qaataan dalkooda, balse ilaa iyo haatan aysan jawaab ka helin dhanka dowladda Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Cumaan ayaa sheegtay in ay codsigaasi u gudbisay dowladda federaalka, oo uu meel wanaagsan marayo.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain