Posts

Daawo+Video :Shirka wadatashiga & midnimada Puntland oo maanta Gaalkacayo ka Furmaya iyo Qodobada looga Hadli doono

Baargaal.net(Galkacayo):-Shirka midnimada &wadatashiga Puntland ayaa maanta ka furmaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha guddiga farsamada shirka wada-tashiga Puntland & midnimada Puntland Eng Maxamuud Xaaji Salax oo wariyaasha kula hadlay Gaalkacyo ayaa shaaciyay shirka inuu furmayo oo u socon doono muddo shan maalin ah.

Eng. Maxamud xaaji Salax waxuu sheegay shirka inuu yahay wada-tashi ay isagu imaanayan ergo gaaraysa 250,kuwaaso matalaya bulshadda Puntland waxaa ugu muhiimsan labada qodob ee ay ergadu wax isaga waydin doonto,Dib u milicsiga Puntland,waqtigii la dhisay iyo halka ay ku wajahan-tahay oo ay u socoto oo ah qodobka kooban iyo sidii ay Puntland uga gudbi lahayd hanaanka qabaa'ilka ah oo loogudbo hanaanka asxaabta badan.

Guddoomiyaha guddiga farsamada ee shirka wada-tashiga ayaa sidoo kale sharaaxad ka bixiyay wajiyo kale oo u shirka yeelanayo,waxuuna sheegay in magaalada Qardho uu ka dhacayo wajiga labaad ee shirka wada-tashiga waxaana ka qayb-galay 60 ka mid ah isimmada Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa lugu qabanaya wajiga saddexaad ee shirka waxaana ka qayb-galaya 30 ergo oo ka socota qorba-joogta Puntland,marka waxaa dhacaya shir weyne guud oo ay ka qayb-galaya ergo gaaraysa 100,kuwaaso laga soo xulayo saddexda shir ee wada-tashiga ah,shirkaaso isla Garoowe lugu qabanayo.

Magaalada Gaalkacyo oo shirkan maanta ka furmayo ayaa isku diyaarisay,waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada,halka sidoo kale la haabeyay goobta uu shirka ka dhacayo

halkan ka daawo video -ga


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Galkacayo
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain