Posts

DARAASAD :Biyo cabidda raashinka ka hor oo la sheegay in ay yarayn karto miisaanka qofka


Daraasad cusub oo lagu daabacay jariidada OBESITY ayaa daaha ka rogtay in cabidda 500 Millilitter oo biya ah cuntada ka hor nus saac ey yaren karto miisaanka dadka ka cabanaaya cayyilka marka lala barbardhigo dadka aan wax biya ah cabbin raashinka ka hor.

Dr. Helen Parretti oo ah cilmibaaraha daraasaddan ayaa sheegtay in la cabo 3 koob oo biya ah maalin waliba ka hor cunnada asaagiga ah ee saddaxda ah ey ka qeyb qaadan karto yareynta miisaanka,iyadoo taas u dheertahay in ey ka sifeeynayaan jirka sunta una gudbiyaan waxyaabaha daruuriga ah iyo oxygen ka unugyada jirka.

Cilmibaarayaasha ayaa beegsaday 84 qof oo ah kuwa cayyilan, labo qeybood ayeyna u qeybiyeen:

1-qeybta koowaad waxaa laga codsaday in ey cabbaan 500 ml oo biya ah nus saac ka hor maalin waliba raashinka hortiisa mudda 12 isbuuc ah.

2-qeybta kalane waxaa laga codsaday in ey mala awaalaan in ey calooshoodu buuxdo raashin waliba hortiis.

Baarayaasha yaa helay in qeybta koobaad ee biyaha cabay raashinka ka hor ey lumiyeen 4.3 kg miisaankooda 12 isbuuc gudahood, halka qeybta kale ey lumiyeen 0.8kg kaliya.

Ugu danbeynti cilmibaarayaasha ayaa ku fasiray calaaqada ka dhaxeysa cabitaanka biyaha iyo miisaanka in ey biyuhu kordhiyaan dheefshiidka ama waxa loo yaqaanno howsha duminta/dhisidda ee jirka iyo iney dareensiinayaan qofka dharag isla markaane wax badan oo raashin ah u baahanin.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain