Faallo : cabashada Beelaha qaar ee saami Qaybsiga Maamulka iyo shirka Wadatashiga Puntland - Kaaf iyo kala dheeri


Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku qabsoomay markii u horraysay tan iyo markii la Aasaasay Dawlad Goboleedka Puntland shirwayne ay ku kulmeen dhamaan shacabka wada dhistay Puntland Waxaana lagu soo gabagabeeyay Halkaas wajigii kowaad ee Shirweynahaas oo loogu magac daray shirka wadatashiga iyo midnimada Beelaha puntland shirkaas oo ay isugu tageen madaxda iyo ergo ka socota shacabka puntland oo lagu casumay shirka.

Shirkaas oo kamid ahaa ballan qaadyadii ugu waawaynaa ee uu madaxwayne Gaas ballanqaaday markii la caleemasaaraayay ayaa ujeedkiisu ahaa in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka jiritaanka Puntland iyo waxa ka khaldan iyo weliba in dib loo saxo khaladaadkii ka abuurmay mudadii 17 sano ahayd ay jirtay Puntland.

Marka aad waraysato ergadii ka qaybgashay shirkaas amaba aad dhagaysato sida ay warbaahinta Puntland qaarkood wax uga qoreen shirkii ku soo Idlaalay magaalada Galkacayo iyo marka xaqiiqada dhabta ah si hoose loo dhuuxo amaba qaabka uu shirku u qabsoomay aad u kuurgasho waxaa kuu soo baxaysa kaaf iyo kala dheeri.

Madaxwayne C/wali Gaas markii Loo caleema saaray Madaxwaynaha Puntland wuxuu safar dheer ku kala bixiyay Degmooyinka iyo Gobolada Puntland , asagoo soo dhagaystay cabashooyinka beelaha qaar una ballan qaadaay inuu wax badan sixi doono, iyadoo madaxwaynaha laga sugaayo fulinta Ballanqaadyadaas ayuu markuu dhisaayay Goloyaashiisa Dawlada wuxuu sii Siyaadiyay Cabashadii Beelihii horay u cabanaayay , asagoo dhinaca kalena beelo cusub qadiyay kuna soo daray liiska beelaha ka cabanaaya Maamul Xumida iyo Cadaalad Darida ka jirta Puntland.

shacabka puntland kuwooda ay kuweyn tahay midnimada iyo in ay puntland hanaqaado oo horay u socoto rajo xumo aad u weyn ayey ka muujiyeen in ay shirkaas ka soo baxaan wax muuqda amaba lagu xalin karo khilaafka ka jira beelaha Puntland maadaama ay dadka hogaaminaya shirkaas isku khaldayaan shirwayne iyo siminaar Tababar loogu qabanayo ergada shirka.

Shir wadatashi ama dib u heshiisiin marka la qabanaayo waxa haboon in labada dhinac dhinac walba laga dhagayso wuxuu ka cabanaayo iyo wax uu soo jeedinaayo si khilaafkaas xal looga gaaro, maahan in laga dhigo shirka madal warbaahineed oo saxaafada u furan oo khudbado laga jeedinayo.

Ugu danbayntii Maahmaah talyaani ah ayaa tiraahda "non perdere tuo tempo per una cosa che non significa niente" taas oo macnaheedu yahay haku luminin wakhtigaaga wax aanad waxba ka faaiidayn
marka waxaa hubaal ah, haddii Dawlada madaxwayne C/wali Gaas aysan qaybaha soo socda siyaasaddeeda ku aaddan arrimaha shirkan wax ka badalin inaan wax natiijo ah kasoo bixi doonin shirarkan oo ay waqti lumis noqon doonaan hadaanay caqabad ku noqon shirar danbe in laysugu yimaado oo dib danbe laysu aamino.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain